Miido: (Sh. M. Network) Warara ka imaanaya duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in maanta diyaaradaha dagaal ee Kenya duqeymo ay la dhaceen gaadiid ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Diyaaradaha Kenya ayaa dhowr gantaal ku dhuftay 3 gaari oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda oo ku sugnaa duleedka Afmadow kuwaasi oo ay u maleeyeen Ciidamada Kenya inay leeyihiin Xarakada Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo aan xiriir la sameynay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan, iyagoo hoosta ka xariiqay in arrimahaasi ay yihiin arrimo Militari sida ay hadalka u dhigeen.
Khasaaro ayaa lagu soo waramayaa in uu gaaray Ciidamada Dowladda, wallow aan shaaca laga qaadin.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaa in xaaladda deegaanka Miido ee duleedka degmada Afmadow oo ay maanta ka dhaceen dagaalo xooggan iminka ay taha mid degan, inkastoo mar marka qaar la maqalayo Madaafiic ay dhinacyadaasi isku ridayaan.























Comments are closed.