Diyaaradaha dagaalka Kenya oo Al Shabaab ku bartilmaameedsaday J/hoose

maalik_eng October 19, 2012 Comments Off

Dhoobley (Sh.M.Network)— Diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay duqeyn qasaaro geysatay maanta ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka J/hoose.

Duqeyntan oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegayaa in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyo gaadiid dagaal oo isku aruursanayay meel 15-km duleedka ka ah degmada Dhoobley ee gobolka J/hoose.

Goobjoogayaal ka ag dhaw goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa noo xaqiijiyay in xilliga duqeynta ay dhaceysay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay halkaasi isku aruursanayeen, islamarkaana Shalay ay soo gaareen goobta la duqeeyay.

Goobta ay duqeyntu ka dhacday ayaa ku taala meel u dhaw wado Istaraatiiji ah oo isku xirta Magaalooyinka Dhoobley iyo Magaalada Afmadow ee gobolka J/hoose, waxaana la sheegayaa in diyaaradaha dagaalka ee duqeyntaasi geystay ay ka war hayeen in goobta ay Al Shabaab isku aruursanayeen.

Ilaa iyo hada macada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi hase ahaatee waxaa la timaamayaa in uu jiro qasaaro xoogleh oo ka dhashay duqeynta ay geyteen diyaaraha dagaalka Kenya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter