Dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Kismaayo, Jubbada hoose

maalik_som October 17, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network) — Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa xalay siyaabo kala duwan dilal uga gaystay Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose. 

Wararka ka imaanaya Xaafadda Calan-caley, Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay halkaasi ku toogteen Haween ku sugneyd Xaafaddaasi.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada Dowladda Haweenayda ay ku wargaliyeen inay istaagto, hase ahaatee ay maqli waysay, maadaama ay aheyd qof dhagaha la’a, taasina ay keentay in Ciidamada ay ka shakiyaan, kaddibna ay toogtaan.

“Haweenayda waxay aheyd qof dhagool ah, waxay maraysay wadada, Ciidamada way u waceen way maqli waysay, kaddibna way toogteen” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah. 

Sidoo kale isla Xalay Xaafadda Fii-Afmadow ee Magaalada Kismaayo ayaa Ciidamada Ururka Raaskamabooni waxa ay ku toogteen nin la sheegay in uu ka shaqeynayay Baabuurta dhuxusha qaadda ee gudaha Magaaladaasi. 

Ciidamada ayaa la tilmaamay in Ninkaasi ay in muddo ah haysteen, islamarkaana ay waydiinayeen su’aalo hase ahaatee markii dambe ay toogteen.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskambooni oo ku aaddan dilalkaasi, hase ahaatee dilkaani ayaa waxa uu qeyb ka noqonayaa kuwa inta badan ka dhaca gudaha Magaaladaasi tan iyo markii ay la wareegeen Ciidamada huwanta.

Comments are closed.

Facebook

Twitter