Dil kooxo hubaysan ay ka gaysteen Afgooye, Sh/hoose

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network)    Kooxo hubaysan ayaa xalay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose waxa ay ku dileen ruux rayid ahaa oo aan waxba galabsan. 

Dilka oo ahaa mid abaabulan ayaa waxa fuliyay labo Nin oo ku hubaysnaa Bastoollado, waxaana Marxuumka ay dileen  lagu magacaabayay C/qaadir Cumar Max’ed xilli uu kasoo baxayay Masjid ku yaalla gudaha degamdaasi.

Goojoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in dilka uu ka dhacay Bartamaha Suuq yaraha Xaawo Taako, waxaana la sheegay in ninkaasi uu horey u ahaa Bahda Isboortiga, hase ahaatee waayihii dambe uu iska raacanayay Kitaabka Quraanka Kariimka sida ay hadalka u dhigeen. 

Sidii caadada aheyd Kooxihii dilka gaystay ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda oo sameeyay baaritaanno aan la ogeyn cidda lagu soo qab qabtay.

Majiro wax war ah oo kaso baxay Maamulka degmada Afgooye oo ku aaddan dilkaasi, inkastoo uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca gobolka Sh/hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter