Juba: (Sh. M. Network) Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Koofurta Sudan Danjire C/raxmaan Nuur Diinaari oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu ugu baaqay Dowladda Kenya inay joojiso faro gallinta ay ku hayso dalka Soomaaliya, taasi oo ku aaddan in Kenya ay Ceelal shidaal ka qodeyso Soomaaliya.
Mr. Diinaari ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Kenya xilligaani ay waddo ololo ay Ceelal Shidaal kaga qodeyso gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Jubbooyinka, isagoo sheegay in barlamanka cusub looga baahan yahay in arrintaasi uu ka horyimaado, sidii barlamankii Kumeel-gaarka ah ay kaga hortageen heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
C/raxmaan Nuur Diinaare, Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Koofurta Sudan ayaa waxa uu ka digay in qatar ay ka imaan doonto haddii faraha laga qaado arrinta ku aaddan Shidaal ka qodista Kenya la sheegay inay ka waddo gudaha Soomaaliya.
Shalay ayay aheyd markii Xildhibaanadii hore ee Kumeel-gaarka ahaa ay ugu baaqeen barlamanka cusub ee Soomaaliya inay ka hortagaan Shidaal qodis la shegay in Dowladda Kenya ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka oo ay Ciidamo ka joogaan.























Comments are closed.