Dibadbaxyo gil gilay degmooyinka Wadjir iyo Dharkeenlay

maalik_som September 15, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbaxaani oo ay dhigayeen boqolaal dad weyne oo caro xooggan ay ka muuqatay ayaa xalay waxa ay ka dhaceen degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay kuwaasi oo kasoo horjeeday Filimka dhawaan lagu sameeyay dalka Maraykanka ee gafka loogu geystay Islaamka. 

Qaar ka  mid ah Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer kusoo maray Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenlay, iyadoo ay ka muuqato carro xooggan, waxaana ay dhamaantooda ku dhawaaqayeen Ereyo ka dhan ah Raggii soo saaray Filimkaasi. 

Dadka dhigayay Banaanbaxa ayaa xalay xilli dambe soo gaaray, iyadoo laga dareemayay wajiyadoodu sida ay ugu xun yihiin gafkii loo gaystay Islaamka. 

Shalay ayay aheyd markii waddamo badan oo ka mid ah Dunnida Islaamka ay ka dhaceen Banaanbaxyo looga soo horjeeday Filim soo saare yaashii kasoo jeeday dalka Maraykanka iyo Maamulka Israel, iyadoo ay ka mid yihiin wadamada ay dibadbaxayaasha ay ka dhaceen Egypt, Libya, Iran, Tunisia, Yemen, Lebanon, Oman, Sudan, Qatar and Indonesia iyo dalka Soomaaliya.

Comments are closed.

Facebook

Twitter