Muqdisho: (Sh. M. Network) Banaanbaxyadaani oo ay dhigayeen boqolaal dad weyne ah oo isugu jira Caruur, Haween, dhalinyaro iyo dadka kale oo da’ah ayaa waxa uu ahaa mid lagu dalbanayay in Xildhibaanada cusub ee barlamanka ay qeyb ka noqdaan Xubnihii dib looga soo celiyay Liiska Xildhibaanada cusub ee barlamanka Soomaaliya.
Dibadbaxayaasha oo socod kusoo maray wadada dheer ee xiriirisa Isgoyska KM-4 iyo Sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay siteen Boorar dheer oo ay ku xardhanayeen hal ku dhigyo ay ku dalbanayeen in Xildhibaanadaasi loo dhaariyo ka mid noqoshada barlamanka cusub ee Soomaaliya.
Banaanbaxayaasha oo isugu soo ururay aga gaarka Isgoyska Dabka ayaa mid ka mid ah oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegtay in nasiib darro ay tahay in dib loo soo celiyo dadkii iyaga matalayay oo ay soo xusheen taasi oo ay tibaaxday in marnaba aan raali ka noqon doonin.
Haweenay iyana qeyb ka aheyd dibadbaxayaasha ayaa ka dalbatay hoggaanka barlamanka cusub ee Soomaaliya iyo beesha Caalamka inay u dhego nuglaadaan rabitaankooda islamarkaana la eego cadaaladda iyo sinnaanta.
Dibadbaxaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo muddooyinkii lasoo dhaafay iyo codsi ay jeedinayeen qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kuwaasi oo dalbanayay in illaa 18-Xubnood oo guddiga farsamadu ay dib ugu soo celiyeen barlamanka cusub ee Soomaaliya loo dhaariyo Xubinnimada barlamanka Soomaaliya.























Comments are closed.