Muqdisho: (Sh. M. Network) Sarakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ciidamada qalabka sida ay ka go’an tahay inay qabsadaan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya.
Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo waraysi siiyay Idaacadda Shabelle in dagaal uusan ka socon gobolka Sh/hoose oo kaliya, hase ahaatee howlgallada ay ka socdaan guud ahaan goolada dalka kuwaasi oo uu sheegay in ujeedkoodu uu yahay in laga saaro Xarakada Al Shabaab.
Jeneralka ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay Ciidamada Qalabka sida ay ku howlan yihiin sidii dhaqsi goboladaasi looga xureyn lahaa Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay u diyaarsan yihiin sidii ay ugu farxin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana iminka ay wiiqantay awoodda AL Shabaab, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay taageeraan Ciidamada xoogga meel waliba oo ay ka jooggaan gobolada dalka Soomaaliya.
Hadalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xilli shalay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay la wareegeen deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyadoo Ciidamada Dowladda la sheegay inay isku fidiyeen gudaha Magaalada Marka oo ay shalay hanteen.























Comments are closed.