Muqdisho (Sh.M.Network)—Jen:Cabdi Kariin Yuusuf Aadan Dhega Badan Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Shabaabku ay bilaabeen in dareeska Ciidamada dowladda ay ku dhibaateeyaan dadka Rayidka ah.
Abaanduulaha ayaa waxa uu sheegay in markii ay ka awood roonaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM Al Shabaab ay billaabeen in ay soo qaataan dareesyada kala duwan ee Ciidaamada qalabka sida iyagoo iska dhigaya Ciidamada dowladda dadka arayidka ahna ku dhibaateynaya waddooyinka iyo meelihii laga saaray Al Shabaab iyagoo si dhuumasha ah ku soo galaya deegaanadaasi.
Jeneral Cabadi Kariin Yuusuf Aadan Dhega badan ayaa waxaa uu shacabka ugu baaqay in aysan ku deg degin islamarkaana ay iska hubiyaan dadka wata dareesyada Ciidamada dowladda si dhibaato aysan usoo gaarin sida uu hadalka udhigay
Hadalka ka soo baxay taliska ciidamada xooga dalka ayaa imaanaya xilli cabashooyin kala duwan ay ka soo yeerayaan dadka ku nool deegaanada kala duwan ee Gobiolka Sh/hoose oo ku aadan in ay dhibaato ku qabaan rag ku labisan dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo ugeysta dhac iyo waxyeelo kale.























Comments are closed.