MUQDISHO (Sh.M.Network)—Xaaladda Caafrimaad ee Wariye Max’ed Max’uud Tuur Yare ayaa ah mid soo hagaagayso, sida ay xaqiijinayaan Dhaqaatiirta Isbitaalka Madina ee Magaalada Muqdisho.
Wariye Maxa’ed Maxa’uud Tuuryare ayaa Labo nin oo Bastoolado ku hubeysan waxa ay Salaaddii Maqrib kadib ee xaly ku weerareen meel aan sidaa uga fogeen Gurigiisa oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Dhaawaca Soo gaaray Weriye Tuuryare ayaa intiisa badan waxa uu ka haleelay dhanka Caloosha oo isla xalayba Qalliin looga sameeyay kaasi oo Dhaqaatiirtu ay ku guuleysteen.
Dad fara badan oo ay ka mid yihiin Weriyaasha Shabelle oo ku sugan Isbitaalka ayaa soo sheegaya in xaaladda Maxa’ed Maxa’uud Tuuryare ay tahay mid gabi ahaanba ka soo reyneysa oo uu awoodo inuu dadka la hadlo.
Weerarka Lagu qaaday Maxa’ed Maxa’uud Tuuryare ayaan ahayn kii ugu horeyay ee noociisa ah ee loo geysto Wariye ka howlgala Idaacadda Iyo Tv-ga Shabelle, hasee ahaatee waxa uu noqonayaa Wariyihii 5-aad oo weerar dhimasho iyo dhaawac sababay lagu bartilmaamsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Bandir.



















Comments are closed.