Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo Gobolka Gedo

maalik_som December 11, 2012 Comments Off

Garbahaarey(Sh.M.Network)—Dhaq dhaqaaq Ciidan oo AL Shabaab looga saarayo deegaanada Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa deegaanno hoostaga Gobolkaasi Gedo

Diyaad Cabdi kaliil oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka dowladda Gobolkaasi oo lahadlay Idaacadda Shabelle ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyay howlgallo Ciidamada dowladda ay ka sameynayaan Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaasi Gedo isagoo shaaca ka qaaday in howlgalladaasi ay uga golleeyihiin sidii Al Shabaab looga cirib tiri lahaa deegaannada Gobolkaasi ay kaga suganyihiin

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo lagu arkayo Ciidamo aad ufarabadan oo ka yimid dhanka Ithopia kuwaasi oo ah dhalinyaro Soomaali ah oo tababaro kala duwan ku soo qaatay gudaha dalkaasi Ithopia.

Al Shabaab ayaa Maamula qaybo ka mida Gobolkaasi Gedo iyagoo dhinaca kalena weeraro ku soo qaada meelo ka mida deegaannada Gobolkaasi ay kamaamusho dowladda Soomaaliya waxaan dhowr Jeer Saraakiisha dowladda ee Gobolkaasi ay ku celceliyeen in Al Shabaab ay ka sifeyn doonaan Gedo qaybaha ay ka joogaan

Lama oga waxa ay ka bedeli doonaan Ciidamadaan Cusub ee lagu soo tababaray dalka Ithopia ee Gaaray deegaannada Gobolkaasi Gedo ee iyagu durbadiiba howlgallada kabillabay halkaasi xaaladda Gobolka Gedo inkastoo dad deegaanka ay shabelle uxaqiijiyeen in ay dareemayan dhaq dhaqaayo xoogan oo ku’aadan suura galnimada dagaal halkaasi ka qarxa

Comments are closed.

Facebook

Twitter