Dhalinyarada Muqdisho oo codsi u diray Madaxda Dowladda Somaliya

maalik_som October 13, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —   Qaar ka mid ah Dhalinyaradani ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxa ay cod dheer ugu baaqeen Madaxda Dowladda Soomaaliya inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka shaqo la’aan ee iminka haysata. 

Dhalinyaradaani ayaa sheegay inay yihiin kuwa aan wax shaqo ah heysan, waxaana ay tilmaameen in maadaama la galay isbadal loo baahan yahay in loo abuuro shaqooyin ay ku maareen noloshooda, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya iyo R/wasaaraha ay Mas’uul ka yihiin shacabka Soomaaliyeeed. 

Magaalada Muqdisho waxa ku nool Boqolaal dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo ka qalin jibiyay Jaamacadaha ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in qaarkood iminka ay shaqo la’aan ku haysatao Muqdisho, xilli loo baahnaa in la garab qabto, maadaama ay leeyihiin aqoontii loogu talagalay in lagu shaqeeyo oo shacabka Soomaaliyeed wax loogu qabto.

Comments are closed.

Facebook

Twitter