Dhacii ugu baahsanaa oo laga geystay Kismaayo, Jubbada hoose

maalik_som October 6, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)—Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ayaa dhaca ka gaystay Magaalada Kismaayo, iyadoo dhinaca kale Saraakiisha halkaasi ku sugan ay yeesheen kullan looga hadlayo amaanka. 

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay halkaasi Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya ay dhac baahsan ka geysteen Xaafadda Calanley ee Magaaladaasi. 

Dadka deegaanka ah oo aan qadka Taleefonka kula xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in Xaafadda Calanley Carwooyin ku yaalla xalay Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ay dhac baahsan u gaysteen, iyadoo halkaasi ka qaatay waxyaabihii lagu ganacsanayay ee yaallay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskamabooni oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan dhacaasi, wallow ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni. 

“Intii goob ganacsi ee ku taallay Xaafadda Calanley waa la dhacay, waxa yimid meesha Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda, Gawaari dagaal ayay wateen” sidaasi waxa yiri goobjooge ku sugan halkaasi. 

Dhinaca kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda, Raaskambooni iyo kuwa Kenya ayaa u fadhiistay kullan lagu lafa gurayay ammaanka Magaalada si loo ogaado cidda ka dambeysa dhacaasi. 

Xaaladda ayaa saakay degan, inkastoo dadka ay hadal hayaan dhaca xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Comments are closed.

Facebook

Twitter