Dhac wali Kooxo ku labisan dharka Dowladda ay ka wadaan Huriwaa

maalik_som September 22, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa maanta mar kale dhac ka gaystay gudaha Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir. 

Goobjooge ku sugan Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in maalintii labaad Xaafaddaasi ay ka socdaan dhac ay wadaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya. 

Xaafadaha ay dhaca baahsan ay ka jiraan ayaa goobjooguhu sheegay inay ka mid yihiin Xaafadaha Cali-Turcaaye, Agagaarka Baar-Jowhar iyo Sarta Miinada, isagoo xusay in Ciidamada ay u socdaan koox koox islamarkaana dadka ay ka qaadanayaan Taleefonnada gacanta iyo waxyaabaha kale oo ay wataan sida uu hadalka u dhigay.

Shalay ayay aheyd markii qaar ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir ay ka cabanayeen Kooxo ku labisan dharka Dowladda oo dhac baahsan u gaysta dadkaasi, iyadoo ay xusid mudan tahay in Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada qalabka sida ay sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter