Dhac ka bilowday inta u dhaxeysa Afgooye iyo Tooro-tooroow

maalik_som September 25, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network)  Qaar ka mid ah dadka shacabka ah ayaa waxa ay ka cabanayaan wadada dheer ee xiriirisa Afgooye iyo Tooro-tooroow ee gobolka Sh/hoose. 

Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa arrinkaani u xaqiijiyay qaar ka mid ah dadka deegaanka ah oo sheegay inay dhibaato ba’an ku qabaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku sugan wadada dheer ee Xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Tooro-tooroow ee gobolka Sh/hoose.

“Wax la iska indha tiri karo maahan dhibaatada, waa mid joogto ah xaqiiqdii, xitaa waxaa baqdin ku jirta Hooyooyinka ka ganacsada Caanaha oo markii ay shaqadooda kasoo laabtaan jidka ayaa loo gala waana la dhacaa” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Sidoo kale dadkaani ayaa ka dalbaday Madaxda iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka kasoo cusboonaaday wadada xiriirisa Afgooye iyo Tooro-tooroow  ee gobolka Sh/hoose.

Tan iyo markii ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Sh/hoose Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa soo baxayay cabasho ku aaddan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda oo dhibaato ku haya dadka shacabka ah.

Comments are closed.

Facebook

Twitter