Kismaayo: (Sh.M.Network) — Maanta ayaa gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose waxaa ka bilowday dhac iyo boob sida la sheegay ay gaysaneyeen Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda ay ku baxeen Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo, iyadoo dhac u gaystay dad rayid ah.
“Waxay ahaayeen Kooxo wata dharka dowladda, dhaca ayay noo geysteen, anaga haddii aanu nahay shacabka ma u dul qaadan karno dhibaatooyinkaan, waxaan ka codsanaynaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed in arrinkaani ay wax ka qabtaan” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah ganacsatada ku dhaqan halkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa la sheegay inay gaareen goobihii ay ka dhaceen Boobka iyo bililiqada, iyagoo sheegay inay baarayaan burcaddii ka dambeysay falkaasi.
Magaalada Kismaayo waxaa muddo kaddib gacanta ku dhigay dowladda Soomaaliya, waxaana tan iyo markii ay la wareegeen Dowladda ka dhaca dhibaatooyin isugu jira falal ammaan darri iyo dilal qorsheysan oo ay gaystaan Kooxo hubaysan.























Comments are closed.