Darawallo soo dhaweeyay amaro kasoo baxay Maamulka Sh/hoose

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Qaar ka mid ah Gaadiidleyda ka howlgasha inta u dhaxeysa gobolada Banaadir iyo Sh/hoose ayaa waxa ay soo dhaweeyeen amar shalay kasoo baxay Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda kaasi oo ku aaddanaa in xilliyada habeenkii ah aan wax gaadiid ah ka dhex shaqeyn karin Sh/hoose. 

Mid ka mid ah gaadiidleydaasi oo lagu magacabo Liibaan Max’ed Cumar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan amarrada ku aaddan in xilliyada habeenkii ah ay gawaari ka dhax shaqeeyaan wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. 

Sidoo kale Wadahaani gaadiid ayaa waxa uu sheegay in markii hore ay dhibaato ku qabeen shaqeynta xilliyada habeenkii ah oo ay mararka qaar dhici jireen in lagula dhaqaaqo baarasho, wuxuuna ugu baaqay Maamulka inay sii dar dar galliyaan howlaha lagu xaqiijinayo ammaanka. 

Arrintaani ayaa waxa ay imaanaysaa xilli shalay Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda ay amar kusoo rogeen gaadiidleyda ka howlgala degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasi oo ku aaddanaa in xilliyada habeenkii ah aan laga shaqeyn karin  gudaha degmadaasi iyo degaannada ku xeeran.

Comments are closed.

Facebook

Twitter