Darawallada Gadiidka Xamuulka ah oo joojiyay Shaqadooda, Sh/hoose

maalik_som October 15, 2012 Comments Off

Afgooye: (Sh.M.Network) — Shaqo joojintaani oo ay sameeyeen Darawallada Gaadiidleyda ah ee ka shaqeeye gobolka Sh/hoose iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka dambeysay kaddib markii sida ay shegeen Darawalladaasi lacago farabadan looga qaado Jidgooyooyin yaalla Muqdisho iyo Sh/hoose. 

Mid ka mid ah Darawalladaasi oo lasoo xiriiray Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in lacago farabadan looga qaado deegaannada gobolka Sh/hoose gaar ahaan kuwii ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Dowladda, isagoo xusay in taasi ay ku kaliftay inay joojiyaan gabi ahaan shaqadii ay hayeen, maadaama aysan u dul qaadan karin lacagahaasi.

“ Cid kuu naxaysa ma jirto, Isbaarada ugu yar waxaa ku dhiibnaa 15-Milyan oo Shilinka Soomaaliga ah, maxaan shaqeynay marka, haddii aanu nahay darawallada Gaadiidka Xamuulka ah, waxaan nagu soo dhow inaan xirano Tuutaha oo aan iska dhicino” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah Darawalladaasi. 

Sidoo kale Darawalkaani ayaa waxa uu Madaxda ugu sareysa Dowladda Soomaaliya iyo Waxgaradka Soomaaliyeed uu ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto dhibatada kusoo korortay degaannada gobolka Sh/hoose oo ay  Isbaarooyin badan soo dhigteen Kooxo ku labisan dareeska ciidamada Dowladda. 

Ugu dambeyn Darawallada ayaa waxa ay hadalkooda diiradda ku saareen deegaannada gobolka Sh/hoose oo ay tibaaxeen in looga qaado lacago badan, waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in wax laga qabto dhibaatooyinkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter