Dalal ka mid ah Geeska Afrika oo ka hadlaya aargigixisada

maalik_som October 18, 2012 Comments Off

Nairobi: (Sh.M.Network) — Waxa uu shir uga socdaa Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya  Taliyeyaasha Ciidamada Booliska ee dalalka Geeska Afrika kuwaasi oo ka kala imaanaya 14-da, loogana hadlayo ammaanka dalalkaasi.

Kullanka ayaa inta badan waxa diiradda lagu sarayaa la dagalanka Argagixisada iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca Xuduudaha gobolka geeska Afrika,  iyadoo kullanka ay ka hadleen Madaxda qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Ra’isul wasaraha dalka Uganda Amama Mbabazi iyo Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa qudbad dheer ka jeediyay Kullanka, iyagoo ku dheeraaday in si ada loo xojiyo ammanka gobolka si looga hortago dhibaatoyinka ay geysanayaan kooxaha argagixisada iyo kuwa xariirka laleh.

Sidoo kale kullanka ka soconaya Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya ayaa waxa qeyb ka ah Wafdi ka socda QM, Madaxa Booliska Caalamiga ah ee Interpol, iyagoo ugu baaqay Hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika in wax laga qabto ammaan darrida kusii baahaysa gobolka.

Lama oga xilliga laga soo gaba gabeynayo shirka, inkastoo kullankaani uu kusoo aadayo xilli shalay dagaal foo ka fool ah uu ka dhacay gobolka Lokini ee dalka Kenya halkaasi oo ay ku dhaawacmeen 11-Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska dalkaasi.

 

Comments are closed.

Facebook

Twitter