Wanlaweyn: (Sh.M.Network)—Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan dowladda ay u dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Yaaq-barre-weyne, iyagoo halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Qasaaraha xooggan ayaa lagu soo warayaa inay soo kala gaareen dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, waxaana la sheegay in Gaadiid dagaal ay iska kala gubeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab oo maanta dagaal faraha looga gubtay ku dhexmaray deegaanka Yaaq-barre-weyne ee duleedka Bari ee degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Dagaalka ayaa ka duwanaa dagaaladii muddooyinkii dambe ka dhacayay gudaha deegaannada gobolka Sh/hoose, iyadoo Xiriir aanu la sameynaya Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo dagaalkaasi.
Ibraahim Yaroow oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana qasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Yaaq-Barre-weyne ee gobolka Sh/hoose, inkastoo maalmihii dambe ay dagaalo iyo qaraxyo ka dhacayeen deegaannada gobolkaasi.























Comments are closed.