Dagaalo Ka Dhacay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sh.Dhexe

maalik_som December 4, 2012 Comments Off

Balcad ( Sh.M.Network )— Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa saaka waaberigii hore ka dhacay Deegaano hoos taga Deegaanka Qalimow waxaana dagaalka uu ahaa mid culus oo saacado qaatey .

Dagaalka ayaa yimid Ka dib markii ciidamo ka tirsan Ururka Alshabaab Ay weerar ku soo qadeyn fadhiisin Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Deegaanka Qalimow waxaana la isku adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la ogyahay 4 qof ayaa ku dhimatey tiro intaas ka badana way ku dhaawacmeyn oo dhamaantood ka mid ahaa dhianacyadii dagaalamey.

Xaalada ayaa saaka caadi ku soo noqotey iyadoo isku socodkii gaadiidka iyo Dadka ay ahaayeen kuwa caadi u shaqeenayey.

Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegey in dagaalkan uu ahaa kii ugu culusaa ee ka dhaca deegaanadaasi tan iyo markii ciidanka Dowladda ay la wareegeyn Degmada Balcad iyo Deegaanada kale ee hoostaga ay kala kulmaan xarakada  Shabaab waxayna sheegeyn in ay ku dileyn dagaalkaasi ilaa 13 ka tirsan alshabaab sedex kalena ay gacanta ku dhigeyn ayagoo  dhaawac ah .

Ma  jirto ilo ka madaxbanaan Labada dhinac oo Xaqiijinaya Qasaaraha ka dhashay Dagaalka Balse Dadka Deegaanka ayaa sheegey in Dagalaka uu ahaa Mid aad u culusaa isla markaana waqti dheer socdey

Comments are closed.

Facebook

Twitter