Dagaalo Ka dhacay Deegaanka Galgala

maalik_som December 6, 2012 Comments Off

Boosaaso (Sh.M.Network)— Ug yaraan tobon askari oo ka tirsan ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhintey tiro kale way ku dhaawacmeyn dagaalo ka dhacay Deegaanda Galgala ee Gobolka Beri .

Weerarka ayaa la sheegey maleeshiyo ku sugan deegaanada Galgala ay weerar ku soo qaadeyn ciidamada Amaanka Maamul goboleedka Puntland halkaas oo uu ka dhacay Dagaal Xoogan.

Wasiirka Amaanka Khaliif Ciise ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa warbaahinta u sheegey in ay dileyn 7 ka tirsan maleeshiyada weerarka soo qaadey ee ku sugan deegaanka Galgala sida uu hadalka u dhigey.

Sanadkii 2010 ayey aheyd markii Ciidamada Maamul goboleedka Puntland ay bilaabeyn howlgal ka dhan ah maleeshiyada uu hogaamiyo Atam ee ku sugan buuraleyda Galgala Ee Gobolka Beri.

Comments are closed.

Facebook

Twitter