Baydhabo (Sh.M.Network)—Dagaallo qasaaro geystay ayaa xalay waxa ay ka dhaceen duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.
Dagaallada oo ahaa kuwa xoogan ayaa waxa ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhexmareen deegaanka Goof-guduud oo duleedka ka ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay, sida ay noo qaxiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Inta la xaqiijiyay 3-qof oo ka tirsanaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaaladaasi tiro kala waxyeello ayaa soo gaaratay sida goob joogayaashu markale xaqiijiyeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee gobolkaasi oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in rag ka tirsan Al Shabaab ay soo weerareen xalay fariisin ay Ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Goof-guduud ee duleedka Baydhabo ee gobolaka Bay.
Saraakiisha ayaa sheegay in qasaaro xoogan ay gaarsiiyeen ragii ka tirsanaa Al Shabaab ee wararka ku soo qaaday, waxaana ay tilmaameen in xaalada deegaanka Goof-guduud ay hada tahay mid dagan.
Dhanka kale majiraan wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab oo ku aadan dagaallada ka dhacay xalay deegaanka Goof-guduud ee duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.























Comments are closed.