Dagaallo qasaaro geystay oo ka dhacay Galgalo

maalik_som December 7, 2012 Comments Off

Boosaaso (Sh.M.Network)— Dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo Maleeshiyaad uu hogaamiyo Atam ayaa maanta ka dhacay gobolka Bari.

Dagaaladan oo u dhexeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo maleeshiyaadka Atam ayaa saakay waxa ay ka dhaceen buuraleyda galgala sida Idaacada Shabelle ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu bilaawday kaddib markii Ciidamada Puntland oo howlgalo ay ku baadigoobayaan maleeshiyaadkaasi ay weerar gaadmo ah ku qaadeen meleeshiyaadka Atam ee xiriirka la leh Ururka Al Qaacidda.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka ka dhacay buuraladeyda galgala ee gobolka Bari, hase ahaatee dagaalkan ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor weerar gaadmo ah oo ay ku dhinteen askar Puntland ahaa uu ka dhacay degaanka sugure oo qiyaastii 50km dhinaca koofur kabeegan magaalada bosaaso

Comments are closed.

Facebook

Twitter