Yaaq-bariweyne (Sh.M.Network)— Dhagaallo qasaaro geystay oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Sida Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka, dagaallada ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Leego oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degaanadaasi, waxaana la tilmaamay in Ciidanka AMISOM ay fasiisin cusub ka sameysteen goobihii ay Shabaabku weerarka ka soo qaadeen.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale noo sheegay in AMISOM ay madaafiic ku garaaceen dhulka howdka ah oo la sheegay in ay kamid ahaayeen meelihii Al Shabaabku ay weerarada ka soo qaadeen.
Majiraan wax war ah oo ku aadan dagaalladaasi oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta dowladda, AMISOM iyo Ururka Al Shabaab, hase ahaatee maalmihii danbe ayaa deegaanada Yaaq-bariweyne iyo Leego waxaa ku soo laab laabanayay dagaallo u dhaxeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya AMISOM iyo Ururka Al Shabaab.



















Comments are closed.