Dagaal toos ah oo ka socda duleedka Kismaayo

maalik_som September 17, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh. M. Network)  Afaafka hore ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa wararka ka imaanaya waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka qarxay dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab. 

Duulaan qorsheysan ayaa waxaa qaaday Ciidamada Dowladda, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmay Ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo ku sugan goobihii ay weerarka kusoo qaadeen Ciidamada huwanta ah sida ay xaqiijiyeen dad deeganka. 

Madaafiic iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa gudaha Magaalada Kismaayo, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in go’aankooda uu yahay mid ay kula wareegayaan Magaalada Kismaayo sida ay hadalka u dhigeen. 

Dagaalka maanta ka soconaya duleedka Kismaayo ayaa ah mid ka duwan kuwii horey halkaasi ugu dhacayay, waxaana Ciidamo xoog leh oo ka tirsan dowladda iyo Kenya ay u ruqaan sadeen Magaaladaasi. 

Xaaladda ayaa qasan, waxaana inta badan dadkii ku nool duleedka Kismaayo ay mar hore isaga barakaceen halkaasi, maadaama ay ka cabsi qabaan dagaalada kusoo laab laabtay halkaasi. 

Lama qasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray dhinacyadaasi, inkastoo dagaal uu si toos ah kaga socdo duleedka Magaalada, islamarkaana aan jirin wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter