Miido: (Sh. M. Network) Dagaalkaani ayaa waxa uu bilowday kaddib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay weerar qorsheysan ku qaadeen duleedka Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Miido.
Waxa lagu soo waramayaa in dagaalka la isku adeegsaday Madaafiic iyo rasaas xooggan iyadoo sidoo kale dagaalka ay qeyb ka yihiin Diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya.
Xaaladda ayaa kacsan, waxaana la caddeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ah mid aad u culus, waxaana la sheegay in Madaafiicda ay ku hubanayso goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyadaasi.
Isgaarsiinta Hawada ayaa si aad ah u xun, waxaana dad deegaanka ah ay saakay u sheegeen Idaacadda Shabelle in baqdin aad u xooggan ay jirto.
Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.























Comments are closed.