Dagaal si toos ah ugu socda deegaanka Xoosh, Dharkeenlay

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh. M. Network)   Dagaal xooggan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ayaa waxa uu si toos ah ugu soconayaa degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Dagaalkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar xooggan oo qorsheysan ay kusoo qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xoosh degmada Dharkeenlay ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana Madaafiic iyo rasaas laga maqlayaa deegaanka Xoosh sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho  u xaqiijiyeen dadka  deegaanka ah.

“ Dagaalka wuu socdaa, xaaladda way kacsan tahay Madaafiic iyo rasaas ayaa si toos ah ugu dhacaysa deegaanka Xoosh gaar ahaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi” sidaasi waxa yiri mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama ay tahay xilli habeen ah, waxaana iminka uu dagaalka si toos ah ugu socdaa deegaankaasi.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net hadii Alle idmo Iinsha_Allaah

Comments are closed.

Facebook

Twitter