Dagaal si gaadmo ah uga dhacay duleedka Kismaayo

maalik_som September 29, 2012 Comments Off

Kismaayo: (Sh.M.Network)  Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya. kuwa Kenya oo is kaashaanaya iyo Xarakada Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray duleedka Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kaddib markii Ciidamada huwanta ah ay kasoo baxeen gudaha Magaalada Dhoobley, kuna sii jeeday duleedka Kismaayo ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, dagaal xoogganna uu ku qabsaday halkaasi sida ay sheegayaan Saraakiisha Ciidanka Dowladda.

“ Dagaalka waxa uu ahaa mid gaadmo ah, Al Shabaab ayaa nagu soo qaaday, waxaan kasoo baxnay Dhooblay, waxaan kusii soconay duleedka Kismaayo halka uu qorshaha ahaa laakiin Ciidamo aan badneyn oo Shabaab ah ayaa naga soo horbaxay, waana la dagaalannay, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi, inkastoo xaaladda Jubbooyinka ay tahay mid kasan, shacabka ay u dhego taagayaan cidda dhabarka marsan doonta Magaalada Kismaayo oo hadda haawanaysa.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter