Dagaal qasaaro gaystay oo mar kale ka dhacay duleedka Afmadow

maalik_som September 5, 2012 Comments Off

Miido: (Sh. M. Network)  Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Kenya oo is garabsanaya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu maanta mar kale ka dhacay deegaanka Miido oo duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada dowladda, Kenya iyo Al Shabaab ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in dagaalka uu qasaaro gaystay, hase ahaatee aan faah faahin laga bixin karin.

Xaaladda deegaanka Miido ayaa kacsan, waxaana wali socota Madaafiic xooggan oo ay isku ridayaan dhinacyadaasi, iyadoo dagaalkii maanta uu qarxay kaddib markii Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen Al Shabaab.

Majiro wax war oo rasmi ah oo kasoo kala baxay Ciidamada Dowladda, Kenya iyo AL Shabaab oo maanta ku dagaalamay deegaanka Miido ee gobolka Jubbada hoose, waxaana la ogeyn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda deegaankaasi.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo

Comments are closed.

Facebook

Twitter