Buufoow: (Sh.M.Network)— Dagaal qasaaro gaystay oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan, socdeyna muddoo kooban ayaa Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo kuwa Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray inta u dhaxeysa Deegaannada Shalanbood iyo Buufoow ee gobolka Sh/hoose.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Buufoow oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xooggan oo qasaaro gaystay, inkastoo aan la cayimi karin.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay waxa sheegeen in dagaalka uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Kollonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
“Dagaalka wuxuu ahaa mid xooggan, ma arkin wax dhimasho iyo dhaawac ah, laakiin rasaas xooggan ayaa na kormaraysay, hadda meeshii lagu dagaalamay waxa jooga Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM” sidaasi waxa yiri qof reer Miyi ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle.
Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuw AMISOM ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno.
Dagaalkani ayaa waxa uu imaanayaa xilli xalay Kollonyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Muqdisho.























Comments are closed.