Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Matabaan, Hiiraan

maalik_som August 23, 2012 Comments Off

Matabaan: (Sh. M. Network)  Dagaal gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna waxa uu ku dhexmaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. 

Sida ay dad goobjoogayaal oo ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle, gallinkii dambe ee shalay ayaa dagaal xooggan oo gaystay qasaaro waxaa uu degmadaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku wada sugan degmadaaasi. 

Mid ka mid ah dadka deegaanka ah oo qariyay magaciisa sababo dhimaca ammaanka ah ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka uu qasaaro u gaystay dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo ku sugnaa goobta uu dagaalka ka dhacay, isagoo intaasi ku daray in dagaalkaasi uu saameyn ku yeeshay dadka deegaanka ah. 

Sidoo kale Goobjoogayaha ayaa sheegay in dagaalka kaddib Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay xireen Waxgarad iyo dhalinyaro ku sugnaa degmada Matabaan kuwaasi oo sida wararku ay sheegayaan loo taxaabay Xabsiyo ay Maamulaan Ahlu Sunna oo ku yaalla halkaasi. 

Wararkii ugu dambeeyay ee hadda laga helayo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo uu dagaalka ka dhacay ayaa waxa ay sheegayaan in goobihii lagu dagaalamay ay ka taagan tahay Xiisado u dhaxeeya dhinacyadii dagaalamay, taasi oo laga cabsi qabo in mar kale dagaal xooggan uu ka qarxo goobihii shalay ay dagaaladu ka dhaceen.

Comments are closed.

Facebook

Twitter