Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Jubbada hoose

maalik_som August 29, 2012 Comments Off

Cago-Libaax: (Sh. M. Network)  Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa dagaal qasaaro gaystay waxa uu ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cago-Libaax oo 30-KM u jira Magaalada Kismaayo, iyadoo dagaalka uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo kasoo amba baxay degmada Afmadow, kuna sii jeeday Kismaayo ay dhexda u galeen Ciidamo ka tisan Al Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid si xowli ah ku bilowday islamarkaana Ciidamada Al Shabaab ay ka dileen 4-dagaalyahanno sida ay hadalka u dhigeen.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkii maanta ka dhacay deegaanno hoostaga gobolka Jubbada hoose, hase ahaatee xaaladda ayaa la sheegayaa inay tahay mid kacsan, islamarkaana xiisadaha ay wali taagan yihiin.

Dagaalka ayaa qeybka ah kuwa inta badan ka dhaca Jubbada hoose, waxaana Saraakiisha Dowladda ay wacad ku mareen in go’aankoodu uu yahay inay qabtaan Magaalada Kismaayo ee oo muhiim u ah Al Shabaab.

Comments are closed.

Facebook

Twitter