Garbahaareey: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan oo gaystay qasaaro ayaa Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab waxa uu ku dhexmaray degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Dagaalkaani ayaa waxa uu ka dambeeyay kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xalay saqdii dhexe fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa isku adeegsaday hub iyo rasaas xooggan, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu dhaawac u gaystay 2-ruux oo rayid ah kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Magaalada Garbahaareey halkaasi oo uu qasaaro ka dhashay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaalada ay ahaayeen kuwa gaadmo ah islamarkaana ay iska caabiyeen, iyagoo xusay in deegaannadii lagu dagaalamay iminka ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda.
Xaaladda ayaa degan, waxaana Ciidanka dowladda ay howlgallo ka wadaan gudaha Magaaladaasi Garbahaareey, kuwaasi oo ay ku baadi goobayaan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi iyo ciddii ku lugta leh weerarka qorsheysan.























Comments are closed.