Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

maalik_som October 8, 2012 Comments Off

Baydhabo: (Sh.M.Network)— Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay. 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in dagaalka uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Deegaanka Goof-gadood oo duleedka ka ah Magaalada Baydhabo.

Inta la ogyahay lix ruux oo ahaa dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badanna way ku dhaawacmeen sida ay shegayaan dadka deegaanka ah. 

Guddoomiyaha gobolka Bay ee Dowladda Soomaaliya C/fitaax Geeseey oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ahaa mid xooggan islamarkaana ay si gaadmo ah kusoo qaadeen Al Shabaab, hase ahaatee ay dileen labo dagaalyhanno oo ka tirsanaa Ciidamada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay. 

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana Ciidamada dowladda, Ethiopia iyo kuwa Al Shabaab ay isku horfadhiyaan deegaannadii lagu dagaalamay. 

Wixi kusoo kordhaa kala soco Shabelle.net haddii Alle Idmo.

Comments are closed.

Facebook

Twitter