Guuf-gaduud: (Sh.M.Network) —Dagaalkaani oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uu gallinkii dambe ee maanta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Guuf-gadood oo duleedka ka ah Magaalada Baydhabo ee Xarunta goblka Bay.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi, iyadoo ay halkaasi ku dhinteen labo ruux oo sida la sheegay ka tirsanaa dhinacyadii dagaalamay.
Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobolka Bay Mahad C/raxmaan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar kusoo qaadeen, hase ahaatee ay iska caabiyeen islamarkaana ay ka hortageen weerarkaasi sida uu hadalka u dhigay.
“ Dagaal ayay kusoo qaadeen deegaanka Goof-gaduud oo duleedka ka ah Baydhabo, qasaaro ayaan ku gaarsiinay, deegaankana wali Ciidamadeena ayaa jooga” sidaasi waxa yiri Taliyaha Ciidamada Dowladda ee gobolka Bay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay Xoogaga Al Shabaab oo ku aaddan dagaalkaasi, inkastoo dagaalka uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca gobolka Bay oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab.























Comments are closed.