Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Dharkeenlay, Muqdisho

maalik_som October 7, 2012 Comments Off

Muqdisho: (Sh.M.Network) —  Dagaalka oo ahaa mid xooggan, muddana qaatay ayaa Ciidamo ka tirsan A LShabaab waxa ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin  deegaanka Kaxda degmada Dharkeenlay ee gbolka Banaadir. 

Inta la ogyahay 4-ruux ayaa ku dhimatay oo ahaa dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda, AMISOM oo dhinaca ah iyo Al Shabaab ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan. 

“Dagaalka wuu xoganaa Madaafiic iyo Bambaanooyin ayuu kow ku bilowday, kaddib waxa qarxay dagaal foo ka fool ah” sidaasi waxa Shabelle u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka ah.

Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo Maamulka degmadaasi ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno.

Dowladda cusub lama oga waxa ay ka qaban karto dhibaatada iyo dagaalada kusoo laab laabtay Muqdisho, maadaama ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geysto dadka wax gal u ah bulshada.

Comments are closed.

Facebook

Twitter