Dagaal salka ku haya dhac gar-gaar oo ka dhacay Carbiska, Sh/hoose

maalik_som September 24, 2012 Comments Off

Carbiska: (Sh.M.Network) Dagaal gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda  Soomaaliya waxa uu ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose. 

Sida ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxa uu dagaal qasaaro gaystay ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Dowladda, kaddib markii is fahan waa uu soo kala dhexgalay.  

Goobjooge ku sugan duleedka Muqdisho oo la halay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa waxa u sheegeen in Dagaalka uu dhexmaray Ciidamo jidgooyo u tiilay inta u dhaxeysa Tareedishe iyo Carbiska, isagoo tilmaamay in Ciidamadii Isbaarada ku sugnaa laga dilay labo ruux, wuxuuna intaasi ku daray in kuwii ilaalada ka ahaa Gar-gaar laga qeybanayay duleedka Muqdisho uu tibaaxay in laga gubay Gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen. 

Guddoomiye ku xiggeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/hoose Cumar Max’ud Cilmi Carabey oo la hadlay Shabelle ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadii dagaalka uu dhexmaray ay ka wada tirsan yihiin Dowladda, Mamaulkana iminka uu wado dadaallo uu ku dajinayo xaaladda ka aloolsan halka ay ku dagaalameen. Isagoo carabka ku dhuftay in wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ammaankeeda maanta uu yahay mid kacsan. 

Cumar Max’ud Cilmi Carabey ayaa waxa uu intaasi ku daray in qasaaro uu soo gaaray dad badan oo shacab ah sida uu hadalka u dhigay.  

Horey ayaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka gobolka Sh/hoose ee dowladda Soomaaliya waxa ay ugu eedeyeen Hay’adaha ammaanka inay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladda ammaan ee inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Comments are closed.

Facebook

Twitter