Kismaayo-(Sh.M.Network)—Dagaalo xoogan oo geystay khasaaro ayaa xalay waxa uu ku dhexmaray inta udhexeysa degmada Afmadow iyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya oo dhinaca iyo Ururka AL Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay ka soo ruqaansadeen degmada Afmadow iyagoo ku sii jeeday Magaalada Kismaayo kuwaasi oo ay dhexda ugaleen kooxo ka tirsan Xarakada Al Shabaab
Saraakiil ka tikrsan Ciidamada dowladda oo aan xiriirr la sameynay si aan u’ogaano khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi xalay dhexmaray Ciidamada dowladda iyo Kuwa Kenya oo dhan ah iyo kuwa Shabaab ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan inta uu gaarayo khasaaraha dagaalkaasi.
Dhinaca kalena Majiro wax wara oo ka soo baxay Saraakiisha Ururka Al Shabaab oo ku’aadan dagaalkii udhexeeyay iyaga iyo Ciidamada dowladda dowladda iyo kuwa Kenya oo isgarabsanayay .
Inta badan Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay weeraro gaadmo ah ku fuliyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya iyadoona ay xusid mudantahay in khasaaro waxyeeleysa dadka rayidka ah ay ka dhashaan xiliyada ay is food saaraan dhinacyadaasi























Comments are closed.