Dagaal Khasaaro geestay oo ka dhacay Leego

maalik_eng December 5, 2012 Comments Off

Leego (Sh.M.Network)—Dagaal xoogan oo sababay Khasaaro ayaa galabta waxa uu duleedka Degmada Leego ku dhexmaray Al shabab iyo dad xoolo-dhaqato ah.

Goobjoogiyal ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay kadib markii Al shabab ay ku amreen dadk Xoolo-dhatada ah inay bixiyaan Xoolo Zako ah taasi oo Dadka Xoolo-dhaqtada ah ay ka biyo diideen, waxaana ku dhintay dagaalkaasi ilaa 3 ka tirsanaa Al shabab.

Gud Degmada Leego Abukar Cabdala Isaaq oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Al shabab ay weerar gardaro ah ku qaadeen galabta dadka xoolo-dhaqatad ah, taasi oo keentay in uu dhaco dagaalka.

Xiisado dagaal ayaa laga soo sheegayaa inay weli ka taagantahay duleedka Degmada Leego.

Ma ahan markii ugu horaysay oo Al shabab iyo dad Xoolo-dhaqato ah ku dagaalaan Gobolada ku yaala bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Comments are closed.

Facebook

Twitter