HOBYO (Sh.M.Network)—Wararka laga helayo Degmada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in halkaasi uu galabta ka dhacay dagaal xooggan oo Khasaaro geestay uu ku dhexmaray Koox Burcadbadeeda Soomaali ah oo haysata Maraakiib iyo dad Ajaaniib ah oo la socda.
Dadka ku nool Deegaanka Gawaan oo qiyaastii 60 Km dhanka Waqooyi kaga beegan Magaalada Hobyo ayaa u sheegay Shabelle in dagaalka uu salka ku hayo Muran soo kala dhexgalay Koox Burcadbadeed ah oo isku Khilaafay Qaabkii ay u qeybsan lahaayeen Lacago Madax furasho ah.
Ugu yaraan 9 Qof oo isagu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka oo ahaa mid Culus oo mudo Saacado ah ka socday Deeganka Gawaan oo hoostaga Degmada Hobyo.
Xariiro kala duwan oo aan la samaynay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug si aan wax badan uga ogaano dagaalka ayaanan noo suuragalin inaan qadka Telfoonka ku haleelno.
Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Deegaanka Gawaan ayaa sheegaya in dagaalka uu istaagay islamarkaana dadkii hdaawacmay loo qaaday magaalada Hobyo si halkaasi loogu daaweeyo.
Ma ahan markii ugu horaysay oo ay Burcadbadeeda Soomaalida ah ay ku dagaalamaan Lacagaha ay ka qaataan dadka iyo Maraakiibta Shisheeye ee ay gacanta ku hayaan,kuwaasi oo ay ka helaan lacago aad u tiro badan oo madaxfurasho ah.



















Comments are closed.