Muqdisho: (Sh.M.Network) Guddoomiye ku xiggeenka dhinac arrimaha bulshada ee Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda Soomaaliya Cumar Max’ed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay dagaal Ciidamada Dowladda iyo kuwa AL Shabaab ku dhexmaray gobolkaasi.
Cumar Max’ed ayaa ka warbixiyay dagaal xalay Ciidamada dowladda iyo kuwa AL Shabaab ku dhexmaray Xaafado ka mid ah degmadaasi, wuxuuna carabka ku dhuftay in dagaalkii xalay uu ka dhacay Xero lagu magacaabo Lafoole oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo dowladda, hase ahaatee ay jibiyeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye ku xiggeenka ayaa tilmaamay in dhowr jeer oo hore ay Hay’adaha ammaanka kala hadleen xaqiijinta ammaanka guud, hase ahaatee maalmihi dambe wadada dheer ee xiririsa Muqdisho iyo Afgooye ay kusoo laab laabteen Isbaarooyin sharci darro ah oo ay dhiganayaan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda.
Maalmihii dambe ayaa wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye waxaa kusoo badanayay Isbaarooyin lacago farabadan oo sharci darro ah looga qaado Gaadiidka, iyadoo sidoo kale ay jireen mararka qaar falal baarasho ah oo loogeysnayo Rakaabka saaran Gawaarida ka dhex shaqeysa Muqdisho iyo Afgooye.























Comments are closed.