Dagaal ka Dhacay Magaalada Garbahaareey

maalik_som November 10, 2012 Comments Off

Garbahaareey ( Sh.M..Network ) – Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaareey ee gobolka gado ayaa waxa ay sheegayaan in uu maanta duleedka magaaladaasi dagaal ku dhex marey ciidamada dowladda iyo kuwa Alshabaab .

Dagaalka ayaa la tilmaamey in uu yimid ka dib markii bar kontorool oo ay ciidamada dowladda kulahaayeen duleedka magaalada garbahaareey ee gobolka gedo in ay soo weerareen xarakada Alshabaab .

Ilo ku dhow dhow Magaalada garbahaareey oo aynu xiriiro kala duwan la sameeney ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in dagaalkaasi ay ku geeryoodeen ilaa iyo labo oo dhinacyadii dagaalamey ah tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen . hayeeshee wax war ah oo ka soo baxey saraakiisha xarakada alshabaab oo ku aadan guul ka shaqeegashaada dagaalkaasi ma jiraan .

Dhanka kale xiriir aynu la sameeney saraakiisha dowladda ee ku sugan magaalada garbahaareey ee gobolka gedo si aan wax uga ogaano qasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa waxaa inoo suurta galin in aynu ku haleelno qadka Taleefanka .

Ha yeeshee Xaalada magaalada Garbahaareey ayaa degan ayadoo dadka deeganaka ay ku soo waramayaan in ciidamada ay ka bilaabeen baaritano lagu xaqiijiyaano amaanka magaaladaasi .

Comments are closed.

Facebook

Twitter