Dagaal ka dhacay Kismaayo

maalik_som December 7, 2012 Comments Off

Muqdisho  (Sh.M.Network)—Sida ay ku soo waramayaan wararka Laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Dagaal khasaaro Geestay oo udhexeya Maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo Xarakada Al Shbaab ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose

Dagaalka oo khasaaro kala duwan geestay ayaan si rasmi ah aan  loo shaacin khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi iyadoo Goob joogayaal Idaacadda Shabelle la soo xiriiray ay sheegeen in Maleeshiyaadka Raas Kaambooni magaalada Xaafadaheeda ay howlgallo ballaaran ka wadaan kuwaasi oo lagu soo qab qabtay tiro dhalin yaro ah

Howlgallada Maleeshiyaadka Raas Kaambooni ayaa sidoo kale waxa uu saameeyay isku socodkii dadka iyo gaadiidka iyadoo dhinaca kale uu gaabis ku yimid dhaq dhaqaaqii Ganacsi ee Magaaladaasi

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa tan iyo markii Ciidaamada dowladda ,Raas Kaambooni iyo kuwa Kenya ay la wareegeen waxaa ka dhacayay dhibaatooyin dhanka amniga Caqabad ku’ah kuwaasi oo ay geestaan kooxo lasheego in ay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab

Comments are closed.

Facebook

Twitter