Dagaal guulo laga sheegtay oo ka dhacay Gedo

maalik_som August 16, 2012 Comments Off

Fax-faxdhuun: (Sh. M. Network) Dagaal xooggan ayaa Ciidamo ka tirsan DKMG ah iyo Al Shabaab xalay ku dhexmaray Tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Labo Tuulo oo hoostaga Deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo ayaa xalay fiidkii waxa uu dagaal ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen dhowr fariisimo oo Ciidamada Dowladda ay ku lahaayeen Tuulooyinka hoostaga deegaanka Fax-faxdhuun.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya ee gobolka Gedo Gaashaanle dhexe Aadan Axmed Xirse Rufle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii xalay ay ku dileen sida uu sheegay inka badan 60-dagaalyahanno oo ka tirsanaa Ciidamadii weerarka kusoo qaaday, isagoo sidoo kale tilmaamay in dagaalkaasi ay ku qabsadeen 7-gaadiidka dagaalka ah.

Gaashaanle dhexe Aadan Axmed Xirse ayaa mar wax laga waydiiyay haddii uu jiro qasaaro soo gaaray dhinacoodu waxa uu sheegay in qasaaro uu jiro, inkastoo uu ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo inta uu la egyahay qasaaraha soo gaaray Ciidankooda, waxaase uu sheegay in Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Gedo ay diyaar u yihiin inay sii wadaan dagaalka ay kala soo horjeedaan Ururka Al Shabaab.

Majiro war ka madaxbanaan Dowladda KMG ah oo xaqiijinaya ama beeninaya sheegashada Saraakiisha sare ee DKMG oo ku aaddan in Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen dagaalkii xalay,  gaadiidna ay ku qabsadeen, Al Shabaabna wali war kama soo saarin dagaalkii xalay.

Comments are closed.

Facebook

Twitter