Birta-dheer: (Sh. M. Network) Dagaalkaani oo ahaa mid culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Birta-dheer ee duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Ciidamada Dowladda iyo Kenya ay Madaafiic ku weerareen Fariisimo deegaankaasi ay ku leeyihiin Xarakada AL Shabaab sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dad deeganka ah.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagaalamaya, iyadoo la tilmaamay in Dhaawacyada rag ka tirsan Al Shabaab la gaarsiiyay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, halka Ciidamada ka tirsan Dowladda iyana la sheegay in dhaawacyadoodu loo qaaday degmada Afmadow.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, hase ahaatee dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xooggan islamarkaana la isku adeegsaday rasaas iyo Madaafiic, waxaana wali kacsan Xaaladda deegaanka Birta-dheer oo uu dagaalka ka dhacay.























Comments are closed.