Dagaal Culus oo Xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne

maalik_som February 1, 2013 Comments Off

Baladweyne ( Sh.M.Network)Dagaalkaan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda,AMISOM oo dhinaca iyo Xoogaga Al Shabaab  ayaa waxa uu ka dhacay Galbeedka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo aad U xooganaa ayaa la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan iyadoo Madaafiic labada dhinac ay Isweedaarsadeenna la shegay in illaa 3 qof oo Rayid ah ay ku dhinteen.

Dagaalka oo ay soo qaadeen Ururka Al Shabaab  ayaa waxaa la tilmaamay in  uu ka dhacay Xarumo Milatari oo Ciidamada Jabuuti ay Ku leeyihiin  Magaaladaasi.

Dagaalka oo Markii Hore ka bilowday Bar Kontarol oo Ciidamada dowladda ay leeyihiin ayaa ku fiday qaybaha kala duwan ee Magaalada illaa bunda liq liqato waxaana wararku sheegayaan in illaa saaka aroornimadii lamaqlayay dhawaqa Rasaasta.

Lama Shaacin khasaaraha soo kala Gaaray Labada dhinac balse dadka deegaanka ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Kooxihii weerarka Geestay ay isaga baxsadeen Goobta.

Saaka ayaa La tilmaamayaa in Howl Gallo ballaaran ay Ka socdaan Xaafadaha Kala duwna ee Degmada Balad weyne ee Gobolka Hiiraan kuwaasi oo loogu daba Jiro kooxihii xalay Weerarka ku soo qaaday Fariisimayaasha Ciidamada Jabuuti.

Magaalada Balad Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Ku sugan Cutubyo ka mid ah Ciidamada AMISOM Gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Jabuuti oo Ciidamada dowladda ee Gobolkaasi Garab ku siinaya Xaqiijinta ammaanka Gobolka.

Comments are closed.

Facebook

Twitter