Balli-Doogle: (Sh.M.Network) — Dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Sida ay Idaacadda Shabelle u sheegeen dadka digaanka, dagaal xooggan oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa uu ka dhacay deegaanno duleedka ka ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Dagaalka ayaa waxa uu bilowday kaddib markii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka amba baxeen Elaboorka Balli-Doogle ee gobolka Sh/hoose islamarkaana ay wadada u galeen Ciidamo ka tirsan Al Shabaab, iyagoo halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo foo ka fool ah.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay ayaa jira, inkastoo aan la cadeyn karin halka ay la egtahay.
Xiriiro aanu la sameynay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo aan la xiriirnay ayaa inoo suuro gallin inaan qadka Taleefonka ku haleelno.
Dagaalkaani ayaa waxa uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca gobolka Sh/hoose, iyadoo Saraakiisha Ciidamada dowladda ay ballan qaadeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinkaasi.























Comments are closed.