Dagaal beeleedyo qasaaro gaystay oo ka dhacay Hiiraan

maalik_som August 26, 2012 Comments Off

Baladweyne: (Sh. M. Network) – Dagaal beeleedyo qasaaro gaystay ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan. 

Wararka laga helayo deegaan lagu magacaabo Kabxanley oo qiyaastii 30-KM dhinaca Galbeed kaga beegan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal xooggan oo qasaaro gaystay uu ka dhacay deegaankaasi.   

Dad reeer miyi ah ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in dagaalka muddo saacado ah uu ka cosonayay deegaanka Kabxanley, iyadoo la sheegay in dagaalka uu gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. 

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul beereed ku yaalla deegaankaasi, waxaana xaaladda lagu soo waramayaa inay tahay mid degan. 

Inta badan gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo qasaaro gaysta,  iyadoo sidoo kale mararka qaar ay ka dhacaan dilal qorsheysan oo u dhaxeeya aanooyin qabiil. 

Wararkii ugu dambeeyay ayaa hadda waxa ay sheegayaan in labada Beelood ay is horfadhiyaan islamarkaana mar waliba la fillan karo dagaal mar kale dhex mara dhinacyadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter