Dagaal beeleed qasaaro gaystay oo ka dhacay Wajeer, Kenya

maalik_som August 25, 2012 Comments Off

Wajeer: (Sh. M. Network)  Wararka laga helayo degmada Wajeer ee gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhacen dagaal beeleed qasaaro gaystay oo u dhaxeeyay labo Maleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan gudaha gobolkaasi.

Dagaal oo la sheegay in uu socday shalay illaa xalay ayaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray labadii dhinac ee dagaalantay, iyadoo la tilmaamay in qasaraha uu kor u dhaafayo inka badan 20-ruux oo ah dhinacyadii dagaalamay.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaal beeleedka oo soo kala gaaray Kooxihii dagaalamay iyo dad shacaba ah ayaa la gaarsiiyay Isbitaallo ku yaalla degmada Wajeer ee gobolka Woqooyi Bari ee dalka Kenya halkaasi oo lagu dabiibayo xaaladoodu Caafimaad.

Dhinaca kale war kasoo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in Ciidamo dhex gala xiisadaha ka taagan labadaasi beelood inay u dirtay degmada Wajeer oo ah meesha uu dagaalka ka dhacay.

Ugu dambeyn Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka ku sugan halkaasi ayaa si deg deg ah ugu baaqay labada dhinac ee dagaalamaysa in dagaalka si shuruud la aan ah ay ku joojiyaan islamarkaana ay qaataan wada hadal dhexmara dhinacyadaasi.

Comments are closed.

Facebook

Twitter